Waxaa nalooga baahan yahay in aan ku siino Digniinta Tennessen ka hor intaanan kaa codsanin macluumaadkaaga shaqsiga ah sida ku xusan Minn Stat §13.04, subd. 2 Ujeedada ogeysiiskana waa in uu kuu sahlo inaad gaarto go’aan aad ogtahay oo ku saabsan hadii aad dhiibaysid xogta adiga kuu gaarka ah, taasoo lala wadaagi karo haya’daha dowlada, sida Degmada Hennepin iyo Guryanta Minnesota. Xogtan waxaa cid lala wadaagi karaa haduu jiro amar maxkamadeed ama gobolka lasiinayo ama sharci dejin dhowruhu codsado. Waxaa nalooga baahan yahay in aan kugu wargelino xuquuqdaada ku saabsan macluumaadka aan kaa ururinayno ee kuu gaarka ah. Macluumaadka aan kaa ururinayno wuxuu sharci ahaan u kala soocmaa mid guud ama dadwayne (kaasoo uu qof kastaa arki karo) mid gaar ah (dadweynuhu aanay awood u lahayn inay arkaan, laakiin adigu aad arki kartid), ama qarsoodi ah (xitaa adigu ma arki kartid macluumaadka). Maadaama aad tahay kan codsanaya kaalmadan, inta badan macluumaadka lagaa codsaday ee kugu saabsan wuxuu noqonayaa mid ka gaarka ah. Sida sharciga ah Khasab kuguma aha in aad dhiibtid macluumaadka lagu waydiistay. Hase yeeshee hadii aadan dhiibin, waxaa laga yaabaa in aadan helin addeegyada iyo waxyaabaha kale ee aad dalbanayso. Hadii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan digniintan. Fadlan la soo xiriir shaqaalaha hay’ada.